Saylac waa magaalo xeebeed taariikhi ah oo ku taala gobolka awdal Magaalada waxay ku taalaa waqooyi-bari Gobolka Awdal, waxayna xuduud dhuleed la leedaha dalka Jabuuti oo u jirto ilaa 120 km.
Seylac waxaa loo aqoonsan yahay ineey jirtey tan iyo wakhti ka horeeysay soo bixitaanka diinta Islaamka, midaasi oo ah goobaha ugu taariikhda dheer qaarada Afrika, iyada oo ay ku yaalaan meelo fara badan oo taariikhi ah hase ahaatee ka turjumaaya taariikhda geeska Afrika gaar ahaan tan Soomaalida.
Waxa laga soo xigtey sahamiyayaal Roman iyo Giriig ah in qarnigii 1aad Sey|lac dhisneyd isla markaana lahayd maamul caasimadeed iyo hogaan heer sare ah.
Tan iyo horaantii soo bixitaanka diinta Islaamka magaalada Seylac waxay ahayd hooy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xadaarad iyo maamul boqortooyo. Qiyaastii qarnigii 7aad ilaa 8aad ayaa diinta Islaamku ku soo fidey magaalada Seylac oo wakhti kooban ku noqotay hooyga diinta islaamka ee guud ahaan qaarada Afrika, gaar ahaan gobolka geeska Afrika.
Badhtamihii qarnigii 9aad ayaa maagaalada Seylac waxay aasaas iyo saldhig u noqotey biloowgii Boqortooyadii Adal, midaasi oo ka talin jirtey deegaanadaas mudo qarniyo ah ilaa laga soo gaadhayay qarnigii 14aad markii ay gaadhay meesha ugu sareeysay ee deegaanada geeska Afrika.
Wakhtiyadii ku xigay waxaa caasimada qadiimiga ah la wareegay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo xukumayay tan iyo markii ay kala wareegtay Boqortooyada Ingiriiska.
Magaalada Seylac waxay ku taalaa waqooyi Galbeed Soomaliya gaar ahaan xeebta waqooyi ee gobolka Awdal.
Magaaladu waxay xarun u tahay Degmada Saylac. Sanadkii 2008da ayaa Maamulka Somaliland u magacaawdey magaalo-madaxda gobol cusub oo lagu magacaabey Selel.
Bari iyo waqooyi waxaay Saylac la wadaagtaa gacanka Cadmeed, galbeed waxaa ka xiga wadanka Jabuuti, dhanka koonfur-Bari Borama ayaa u jirta 243.3 kilomitir, halka magaalada Berbera u jirto 270 km bariga magaalada Seylac.
Magaalada qadiimiga ah ee Harar waxay u jirtaa 320 km galbeedka.
Deegaanka magaalada Seylac waxaa uu leeyahay caro buto coowlaan ah, taasi oo ka dhigtey magaalada lama-degaan la mood.
Waxayna dhinaca u saaran tahay Banka Giriyaad ee dhaca waqooyiga gobolka Awdal, oo maanta lagu xisaabiyo gobolka Selel.
Intaas waxaa dheer, in Seylac agagaarkeeda ku yaalaan ilaa dhowr-iyo-toban Jasiiradood oo yaryar, kuwaas ooy ka mid tahay Jasiirada Saacadiin ee loogu magaca daray suldaan Saacadiin oo ka mid ahaa madaxdii boqortooyada Adal.
Wado xumo iyo biyo yaraan ayaa magaalada Seylac ku haya dhibaato weyn.
Degmooyinka Saylac
Magaalada Saylac qiyaastii qarnigii 19aad.
Magaalada Saylac waxaa soo booqday qoraagii caanka ahaa ee Ibn_batuutah 1330-kii, halkaasoo uu ku tilmaamay inay ahayd magaalo weyn xilligaa.
Qarnigii 16-naad waxay magaalada Saylac ahayd caasimaddii maamulkii caanka ahaa ee Adal.
Qoraalada laga hayo Saylac way farabadan yihiin, balse aan ku soo koobo, laba socdaal oo ay kusoo kala mareen nin la odhan jiray Johnston iyo ninkale oo la odhan jiray Richard Burton.
Richard iyo Johnston labaduba, waxay soo mareen sebenkii uu ka talinayay magaalada Saylac Sheekh Sharmaarke Ali Saalax oo magaalada ka ahaa guddoomiye muddo dheer. Labadaa nin-ba waxay ku tilmaameen magaalada Saylac inay ahayd magaalo weyn oo uu ka socday ganacsi aad u xoogbadani.
Sida ay ku bilaabantey iyo goorta ay aasaasantey magaalada Seylac taariikhyahanadu weli weey isku khilaafsan yihiin. Laakiin waxaa la isla qaatay in magaalada Saylac ay jirtey qarnigii 1aad, wakhtigaasi ooy soo siyaarteen bad-mareeno u dhashay Romanka iyo Giriiga.
Warbixin laga soo xigtey ragaasi ayaa lagu ogaaday in magaalada Saylac ahayd mid aad u dhisan, maamul iyo kala dambeyn leh, ganacsi aad u balaadhan ka socdo, isla markaana leh mid ka mida xadaaradiihii ugu sareeyay wakhtigaasi.
Magaalada Saylac aad ayay u awoodaysatey wakhtiyadii ku xigay, isla markaana ku fidey deegaanada jaarka la ahaa kuwaas oo dagaalo qadhaadh dhex mareen.
WD: NIMCO C/FATAAX (SAGAL)