TAARIIKH NOLOLEED.
Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan hoggaaminta ciidanka.
Magaca: S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud
Jagada: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD)
Waayo-aragnimo: In ka badan 18 sano (tan iyo 2009)
Hay’ad: Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
SOO KOOBID XIRFADEED
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud waa sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuna takhasusay hoggaaminta ciidamada, qorshaynta istaraatiijiyadda, la-dagaallanka argagixisada, iyo maamulka difaaca,Wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran oo dhinacyada taliska, tababarka iyo iskuduwidda howlgalada amniga heer qaran iyo heer caalami ah.
WAXBARASHADA CIIDAN
• Koorso Sarkaal Ciidanka Lugta (Combat Infantry Officer Course) – Soomaaliya (2006–2007)
• Koorso Taliye Horin (Company Commander Course) (2010–2011)
• Koorso Taliye Urur (Battalion Commander Course) – Soomaaliya (2015–2016)
• Kulliyadda Saraakiisha (Staff College) – Jaamacadda Difaaca Turkiga (2019–2020)
• Master Ciidan – Cilmiga Amniga (Military Master in Security Sciences) Jaamacadda Difaaca Turkiga (2019–2020).
WAXBARASHADA RASMIGA AH
• Shahaado Sare (Master Degree) Cilmiga Siyaasadda & Xiriirka Caalamiga ah Jaamacadda Sabahattin Zaim, Turkiga
• Shahaado Jaamacadeed (Bachelor Degree) Maamulka Dadweynaha,
Jaamacadda Muqdisho, Soomaaliya.
XILALKII UU SOO QABTAY
• Taliyaha Taliska Taakulaynta (Sustainment Command), CXDS (2024–2026)
• Madaxa Shaqaalaha Qaybta Qorshaynta, Ciidanka Bariga Afrika (EASF), Nairobi (2022–2024)
• Madaxa Kabinetka Xafiiska Taliyaha CXD (2021–2022)
• Madaxa Maaliyadda & Maamulka (Chief J8), Taliska Guud (2019–2021)
• Ku-xigeenka Madaxa Hoggaanka Ciidanka (Deputy J1), Taliska Guud (2018–2019)
• Sarkaal Qorshaynta & Isku-dubaridka Amniga, Madxtooyada (2017–2018)
• Taliye Urur & Layli-saraakiisha, ku-simaha Taliyaha Kulliyadda (2015–2017).


