“TAARIIKH KOOBAN” HAY’ADDA TAYO-DHOWRKA SOOMALIYEED (SOMALIA BERRU OF STANDARD)

Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed waa Hay’ad utaagan hubinta tayada cuntada, Daawada iyo dhamaan badeecadaha Kala duwan ee dalka soo gala, sidoo kale waxa ay hubisaa tayada badeecadaha Kala duwan ee dalka laga dhoofiyo.
Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed waa Hay’ad shaqeyn jirtay xiligii dowladdii dhexe taasi oo bulshada Soomaliyeed u haysay shaqo wax ku’ool ah, balse burburkii dowladdii dhexe kadib Hay’adu waxay ka mid noqotay hay’adihii burburay, mudadii lagu jiray burburka ma jirin cid hubin ku sameyneysay badeedacaha iyo agabyada kale ee soo gala dalka, taasi oo dhibaatooyin badan ay kala kulmi jireen shacabka Soomaaliyeed.

Dib u dhiska Hay’adda Taya-dhowrka soomaaliyeed waxa ay soo bilaabatay 2018dii iyada oo soo martay marxalado Kala duwan sida, Diyaarinta xeerarka Hay’adda Taya-dhowrka ay Ku shaqeyn lahayd oo Golaha wasiirada ay meel mariyeen, sidoo kale waxaa ansixiyey labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, ugu danbeyna Madaxweynaha Jamhuuriyada FS ayaa Xeer madaxweyene ku saxiixay Laguna soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowlada.
Bishii August 2020 ayaa si rasmi loo howl galiyey Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed “Somalia Berru of Standard” (SOBS) oo ay bilowday shaqadeeda.
Dib u dhisidda hay’adda waxaa mahadeeda iska leh ilaahay ka sokoow mudane: Aadan Hassan Barre oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed oo u istaagay sidii uu dhidibada ugu mudi lahaa marlabaad isaga oo ka soo bilaabay meel maran, kana soo maray caqabado badan ugu danbayna ku guulaystay dib u dhisida hay’adda.
Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed hadda waxay si rasmiya u gudataa hawlaheeda shaqo.
Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed ama Somalia Berru of Standard (SOBS) waxa ay hoostagtaa Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

WAXTARKA HAY’ADDA TAYA-DHOWRKA SOOMALIYEED AMA SOMALIA BERRU OF STANDARD (SOBS).
Ha’yaddani waxay waxtar weyn u leedahay shacabka Soomaaliyeed, waxayna ka shaqeeysaa:
⦁ Ka hortegida soo dejinta iyo isticmalka badeecadaha dhacay.
⦁ Ka hortegida in dalka la soo gelyo badeecad aan tayada lahayn.
⦁ Hubinta inay is waafaqsan yihiin macluumaadka ku qoran badeecadda dusheeda iyo waxa ay dhab ahaan ka kooban tahay iyada oo la marsiinayo sheybaar.
⦁ Hubinta saxnaanta miisaanada wax lagu cabiro iyo sixida hadii ay wax ka khaldan yihiin.
⦁ Hubinta sax ahaanshaha aaladaha wax lagu cabiro ee dalka lagu isticmlo ama la soo gelinayo.
⦁ Hubinta tayada badeecadaha dalku soo saaro iyada oo la siinayo shahaado rasmi ah oo cadaynaysa tayada dadeecada, shahaadu waxay u suuragelinaysaa ganacsatada soomaaliyeed in ay si sahlan badeecadoo ugu dhoofin karaan suuqyadda caalamka.
Ugu danbeyn Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed waa Hay’ad ay bulshada Soomaliyeed baahi weyn ay u qabeen taasi oo bulshada Soomaliyeed Ka caawin karta helitaanka badeeco tayadeedu sarayso, iyo Sahlida in badeecada dalka ay dibada si sahlan loogu dhoofiyo.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan