Waa hore waxaa jiray laba gabdhood oo walaalo ah. kalana bah ahaa. Labada gabdhood midi nacas ayey ahayd. waxaana la odhan jiray Dhoongo. ta kalena fariid bay ahayd. waxaana la odhan jiray Saluugla.
Maalin maalmaha ka mid ah ayey labadii gabdhood kala raaceen labadoodii adhi ee labada bahood, una daaq geeyeen meel gocoso ama goon leh. Markay rabtii adhi- gii ku soo ekeeyeenna gocosadii ayey qoteen. Intay go cosadii ku siijeedeen ayaa adhigii hal cabbaar ah ka durkay.
Had iyo jeer intay qodanayeen gocosadii inantii Saluugla ee fariid ahayd adhigooda ayey ilxoolaadinay- say, markuu dhamcana marba way soo dabaalaysay, hase yeeshee inantii Dhoongo ee nacasta ahaydse ilayn horey Soomaalidu hadal u dhammaysay, wataa ku maah- maahday «Ilayn doqoni hadhkeedeey hoosiis moodaayee», waxay bidhaansataa marba soonah ku beegan halkuu adhigu markay (Soonahda oo midabka adhiga leh «cads daan»).
waxayna ku tidhaahdaa walaasheed Saluugla, ‹Col qaadkiinu hawl badanaa kaayagiiba waa ka halkiisii daaqayee: Bismilaahi Raxmaani raxiim ! naadee wade nihii buu kaa qabtayee».
Waxay“ gocosadii gurtaanba inantii Saluuglana adhigoodii ilaashato, Dhoongana ay bidhaansato soonah- dii, sidaas ayaa cadceeddii ku gaabatay inanti fariida ahaydna ku carraabisay adhigoodii kuna hoyaatin gey- say, nacastiina is tidhi soo kaxee adhigii. saa meeshuba waa cidla, waxay bidhaansanaysayna waaba Soonab, adhigiina saaka salaadii ayuu jiciirtay, duurkiisana xu- lay. Sidaa ayaa adhigii Dhoongo ku baadiyoobay kuna tegay.
Dhulkii wuxuu noqday hiimsehiimse, runtii mar kay ogaatay in aan adhi meesha joogin ayey baroor ma- daxa qabsatay iyadoo ku dhawaaqaysa erayo naxdin iyo uurkutaallo leh, «Alfa hoogay oo ba’ayeey habeen baas
ma ii dumay. ma caawaa horor ka dhergay hantidayadii». Waxay cabbaar baroorataba tafa intay qabsatay ayey baadidoon tagtay. Waxay ruclayso oo hadba geed baa- riga ku qaaddo ileyn raad iyo ruux toona arkimayso oo waa mugdiye, xeelad baadi-doonna ma taqaane, waxay la kulantay Waraabe, waxayna weydiisay adhigii cma arag ayuuna ku yidhi ee halkaa mar».
Waraabihii markay ka tagtay waxay kale oo la kulantay Harimacad, su’aashii Waraabaha ay waydiisay ayey isna u jeedisay, wuxuuna ugu jawaabay, «Maya ee halkaa mar».
Hal cabbaar ah markey ka socota;y Harimacadkü ayey u timi Shabeel, su’aashii ay Waraabaha iyo Hari- cadkii ay waydüsay oo ahayd. adhi ma aragteen? ayey isna weydüsay. •Maya ee halkaa mar•, ayuu iena ku yidhi sidii huwii hore oo kale.
LA SOCO QEYBTA KALE
Qore; Ibraahim Carab Jaamac