SUGIDDA AMNIGA WAA FURAHA DHAQAALAHA DALKA

Ahmiyadda nabadda leedahay ma ahan mid dheel dheel ah waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay nolol, naruuro, caano iyo naxariis.

Sidaa daraadeed haddii la waayo nabad joogto ah waxaa ka dhasha dib u dhac xooggan oo ku yimaada kaabayaasha muhiimka u ah nolosha iyo nafley kasta ee ku dhaqan koonkan, dib u dhacaas waxaa uu haleelaa dhanka horumarka dal kasta uu ku tallaabsan lahaa .

Waxaa kale oo hoos u dhac ku yimaadaa dhinacyada caafimaadka, waxabarashada, waxsoo-saarka beeraha iyo wershadaha taas oo soo raacda in ay saameyn xoog leh ku yeelato isu socodka iyo is dhaafsiga badeecadaha ganacsiga .

Sidaa awgeed, lama maleyn karo heerka nabadi ay joogto lamana qiimeyn karo doorka ay ku leedahay horumarka waddan kasta marna agama yaabo in uu kobco dhqaalaha waddan kasta goorta ay la soo dersaan amnidarro taas oo caqabad ku ah sii horumarinta iyo bulaalidda dhqaalaha.

Waa arrin isku xiran marka si cilmiyeysan looga baaraandego habka koboca dhaqaalaha iyo amniga .

Sideedaba , waddan kasta ayaa loo igmaday in ay sugaan amniga ciidamo boliis ah oo si weyn loo carbiyey kuwaas oo qeybo kala duwan leh ay xil gaar ah u saaran yihiin adkeynta amniga shacabka iyo dabagalka dambiyada kala gedisan ee buulshada ka dhex dhaca .

Waxaa jira iyana booliska waddooyinka oo kaalin ka qaata habka wacan ee dariiqyada waddooyinka gawaaridu ku maran iyo la socodka culeyska gawaarida oo la buux dhaafiyo xamuulkooda taas oo ka timaada dhibaato naf iyo maal , kuwaas oo xakameeya shilalka dhaca.

Waxaa jira iyana boliis ka hortaga rabshadaha iyo fowdada magaalooyinka ka aloosma , kuwa dabdamiska ayaa iyana suga amniga iyo badqabka hantida iyo nolosha dadka ee ka dhasha meelaha uu dabku qabsado.

Waxaa iyana looga maarmin dal kasta ciidamo militari ah oo suga nabadda iyo sharafta waddan kasta kana ilaaliya in lagu soo xadgudbo xaduudaha dalka ee dhul , bad iyo cir isugu jira .

Haddii aysan waddan laheyn ciidamo qalabka sida qeybahooda kala duwan oo si weyn u horumarsan waxaa ka dhasha in la soo hunguriyeeyo laguna soo duulo .

Ciidamada ayaa ah kuwa difaaca dal kasta sharaftiisa iyo madaxbannaanidiisa waa sidaasiye marna ma horumari karo dhaqaalaha waddan marka ay isku murugto amniga dalkaas ka jira waxa markaaas loo baahan yahay in la dejiyo qorshe cad oo qeexaya habka istaraatejiyada adkeynta amniga waddan kasta taas oo xakameyneysa in lagu naalloodo nabad waarta oo u horseedda dalalka in ay ku tallaabsadaaanhorumar ballaaran ee koboca dhaqaalaha.

Dalka Shiinaha ayaa dadaal xooggan oo muuqda ka sameeyey kor u qaadista iyo horumarinta dhaqaalahiisa taas oo u sahashay in uu marka hore tixraaco qorshe lagu horumarinayo dhaqaalaha dalkiisa waana tan maanta ka dhigtay in uu hoggaanka  u qabto kaalinta koowaadna ka galo dhaqaalaha adduunka.

Waxaa biyo kama dhibcaan ah in laga feejignaado waxyaabaha wiiqi kara nabadda si markaa aysan ugu iman waddankaas hoos u dhac dhaqaale .

Waddamada la kulmay dabeysha burburka ee dagaalada sokeeye ayaa laga dhaxlay qaab darro iyo in sicir barar xooggan oo ku yimaada lacagta dalkaas , taa oo micnaheedu noqon karo in qiimaha lacagtaas ay noqoto mid uu ku yimaado qiimo jab.

Isu dheellitirka soo dejinta iyo keenista ayaa ah mid saamiga koboca dhaqaalaha qeyb ka qaata.

Arrintu si kastaba aha ahaatee waa in diirradda la saaraa adkeynta iyo xasilinta amniga taas oo aan looga maarmin koboca dhaqaalaha horumarsan iyo hiigsi hammi sare .

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)