“Subixii Waxbarsho Galabtiina Lows Wareejin”

Dadaalaa wuu gaara wuu gaaraa ayaa horey loo yiri”, Daruuftu wax bay ku bartaa,taasoo ah inaad ka gudubto iyo sida aad uga gudbi laheyd, tusaale ahaan haddaan u soo qaato sida taariikhda ku xusan “waayihii fufka”ama waayihii Dabka, ama xilligii Ugaarsiga sida ay u noolaayeen Dadka.

Marka waayaha ama duruuftaasi adag ayaa bartay inay Dadyowgu ka gudbaan oo ay Beero tabcadaan iyo islamarkaana Xoolo dhaqdaan, iyadoo Dadka qaarkiis ayba dhahaan Adduunyadu Masiibada ayadaa u Macallin ah.

Faysal Cabdi Isaaq waa Arday ku nool magaalada Muqdisho, waxa uu dhawaan ka qallin jabiyay Kulliyadda Cilmiga Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo wax ku bartay duruuf dhaqaale oo aad u liidata, waxa uuna Lows ku iibin jiray Waddooyinka magaalada Muqdisho.

Haddaba Suxufi Amiin Yuusuf Khasaaro oo Wilkaasi aqoon u lahaa ayaa qoray qoraalkaan hoose:-

“Faysal in badan ayaa Caawiyey isagoo Lows ku wareejinaya Tree Biano laga bilaabo Dugsi sare ilaa Jaamacad.

Maanta ayuu i soo wacay waa ii Mahadceliyey wuxuu iigu Bishaareeyey in uu soo dhameeyey Jaamacadii Ummadda gaar ahaan Kulliyadda Cilmiga Bulshada wuxuu iga Codsadey in shaqo lala raadiyo.

Dadaalaa waa gaaraa Saboolnimo ayuu wax ku soo bartey runtii aad baan ugu Farxay in Hamigiisii Waxbarasho uu ka mira dhaliyo.

Sawirka hoose waa aniga iyo Faysa, markaan wuxuu Wareejinayaa Lows, mararka qaarna waxaa sameyn jirey inta Lowska dhamaantii ka iibiyo ayaan Saaxiibadeey Geed Fadhigeyga Tree Biano u qaybin jirey, si aan u dhiirageliyo.

Haddaba meerto maalmeedkiisa ayaa aheyd “Subixii Waxbarsho Galabtiina Lows Wareejin”.

amin.jpgamin2.jpg