Soomaliya oo ku biiraysa ururka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa maanta ka furmay Muqdisho,shirkan ayaa daba socda shir uu horay Madaxweynha JFS uga qeyb galay Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania
islamarkaana muhiimad weyn ugu fadhida bulshadda Soomaaliyeed in ay ka kamid noqoto Soomaaliya ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka kala socoto 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood,waxa inta uu soconyo shirka looga hadli doonaa sida Soomaaliya uga mid noqon lahaayd ururka (EAC)

Ergeyga Soomaaliya u qaabbilsan ku biiridda ururka EAC Cabdisalaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay xubahan guddiga in wada xajood iyo qiimeyn ka dib la samayn doono guddi kasoo baaraan dega, wuxuuna intaa raaciyay in ka Dowlad ahaan ay rajeynayaa in sanadkan gudahiisa ay ku biirto Soomaaliya Ururka AEC,Ergeyga ayaa sheegay in wadammada ka tirsan Ururkan in ay ku biirista Soomaaliya laftooda u tahay muhiim maaddaama aynu dalalkaasi ku leenahay ganacsiyo waaweyn iyo maalgashiyo, qaarkoodna ay ciidamo ka joogaan dalka dano badanna ay innaga dhexeeyaan.

Danjire Hadliye ayaa sheegay inay Soomaaliya ka faa’iidi doonto ganacsiga furan ee kala dhexeyn doona Ummad ku dhow Saddex boqol oo milyan oo ku nool bariga Afrika, iyagoo dhinaca kalana qeyb ka noqon doona la dagaallanka argagixisada oo haatanba dalka ka socda,Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in shan waddan oo Ururkan ka mid ahi aysan lahayn Bad, sidaa daraadeedna ay mustaqbalka isticmaali doonaan dekedaha Soomaaliya lana samayn doono waddooyin waaweyn iyo khad Tareen si ay badeecaduhu isaga kala gooshaan.

Sidoo kale wasiir dowlaha arrimha dibada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad)oo ka hadalay shirka ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay shirkaan uu Muhiim u yahay ganacsiga dalka kana soo shaqeeyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,si Soomaliya uga mid noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ka kooban 7-dal kuwaa xubnno ku socda ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Waxa uu sheegay sidoo kale in shirka maanta furmay uu gebogebo u yahay shuruudihii ku xirnaa in ay Soomaaliya ku biirto Ururka EAC

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u gaaray Caruusha-Tanzania ayaa halkaasi uga qeybgalay Shir Madaxeedka 22-aad ee Caadiga ah oo dib loogu xaqiijinayo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Ururka EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Caruusha kaga qeyb galaya shir madaxeedka 21-aad ee caadiga ah ee madaxda dalalka Bariga Afrika, si uu taageero ugu raadiyo sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd bulshada Bariga Afrika. Ururkan oo la aasaasay 2000, isagoo isu keenay toddobo waddan oo leh suuq ganacsi oo baaxad leh oo lagama maarmaan u ah dhaqaalaha gobolka, oo ay ku jiraan Tanzania, Rwanda, Burundi, Kenya, Uganda, South Sudan, iyo DR Congo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ee uu xafiiska qabtay waxaa codsi u gudbiyay ururka Bariga Afrika ee Soomaaliya, balse ururka ayaa ku gacan seyray codsigii Muqdisho ee 2016, Soomaaliya ayaa codsigeedii dib u codsatay 2019-kii xilligii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ashatu Kijaaji, Wasiirka Maalgashiga, Warshadaha iyo Ganacsiga, ayaa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaliya, markii uu halkaa gaaray kuwaa oo ka wada hadleyn sidii Soomaaliya ay u daneyneeyso kamid noqoshada Ururkaasi

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa noqotay waddankii ugu dambeeyay ee ku biira ururkan, isagoo si rasmi ah xubin uga noqday bishii Luulyo 2022, waxayna codsatay xubinnimada 2019.

Guul u soo hoyatay Soomaaliya 10 sanadood kaddib,

War murtiyeedka ka soo baxay shir madaxeedka East African Community ayaa waxaa Golaha ururkaas lagu faray in ay dedejiyaan tallaabooyinka ay tahay in aan marno, kaddibna ay warbixin siiyaan Shir Madaxeedka 23-aad ee ururka.

Tan ayaa noqonaysa tallaabo culus oo hore u qaaday dowladda Soomaliya tan iyo March 2012 markii ay xubinnimadiisa dalbatay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Axmed Haruse ayaa si rasmi ah u furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga Baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika,waxa una sheegay

Ururkaan oo ka kooban 7-dal ayaa soomaaliya hadii ay kamid noqoto wax uu Sara u qaadi doonaan ganacsiga guud ahaan dalka iyo Kobayashi dhaqaale dalka ,madaama Soomaaliya ay u fududaaneyso in kamid noqoto ganacsiyada suuqyada wadamadaasi.

XIGASHO SONNA