Soomaliya oo ka qayb gashay shirka Wasaaradaha Warshadaha iyo Dhaqaalaha ee dalalka Afrika

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein, iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Niamey ee dalka Niger kaga qeyb-galay shirka Wasiirada Wasaaradaha Warshadaha iyo Dhaqaalaha ee dalalka Afrika kaas oo uu soo qaban-qaabiyey Midowga Afrika looga na hadlaayey horumarinta iyo sare u qaadidda Warshadeynta Qaaradda iyo weli ba kor u qaadista hal-abuurka.

Wasiirka, ayaa muddadii uu shirku socday, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha dalka Niger Mudane Ouhoumoudou Mahamadou iyo weli ba sidoo kale, Wasiirka Warshadaha iyo dhallinyarada Salamatou Gourouza ee dalkaas.