Soomaaliya oo soo ceshaneyso doorkii ay ku lahayd siyaasada Gobolka

Soomaaliya oo soo Ceshaneysa door kii ay ku lahayd siyaasadda gobolka iyo xoojinta siyaasadda Arrimaha dibedda. IGAD iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika ma yihiin kuwo saameyn leh oo xalin kara caqabadaha ka jira gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daauud Aways oo ka qeyb galay Dood lagu qabtay Twitter Space-ka ee Telefashinka Qaranka.

Wasiirka ayaa ka jawaabay su’aala dhowr ah oo intooda badan ku saabsanaa Urur Goboleedka IGAD oo xubin muhiim ah ay ka tahay soomaaliya iyo ururka iskaashiga Bariga Afrika,maxaysa ahmiyad u leedahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka?’

Wasiir Da’uud Aweys ayaa Sheegay in ku biirista Soomaaliya Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika ay wax badan  ka faa’iidi doonto,oo ay kamid tahay Ururkaa oo dowlada badan ku midoobay hay’ada hoodana mudda dheer ay shaqeynayeen ay Soomaaliya khibrad ka qaadan doonto sharciyada, hannaanka ay u shaqeyaan iyo in Ganacsatada jooga wadamadaa inta badana marun lagaliyo joogista wadamadaa ay heli doonaan sifa sharciyadeed oo ay ugu shaqeeysataan dowladaha xunaha ka ah Ururka iskaashiga Bariga Afrika,ugu danbeyna ay u istagaan sidii ay dalkooda u maalgashan lahayeen iyagoo kaashanay khibradaha ay ka faa’iideen wadamada ay joogan.

Sidoo kale wasiirka oo ka jawaabay su’aallo dhowra ah oo ay kamid yihiin hadii Soomaaliya ku biirto ururka Bariga Afrika,majiraa sharciyad dowladda kaga dagasan wada shaqeynta iyo dhanka isu socodka?ayaa tilmaamay in uruka oo uu leeyahay sharciyad lagula dhaqmo wadamada xunaha ka Soomaaliya ay qeyb ka noqon doonto,balsa Soomaaliya ay wax badan ka faa’iidi doonto kamid noqoshada Ururka iskaashiga Bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa da’daal badan ku bixineyso kamid noqoshada Ururka iskaashiga Bariga Afrika oo ay ku mideeysan yihiin ilaa todoba (7) dowladood,waxana hadii  loo ogolaado kamid noqoshada Ururkaa ay Soomaaliya Wax badan ka faa’iidi doonto.