Soomaaliya ayaa maanta si heer sare ah u xustay sanad-guurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii ay dowladda Soomaaliya si rasmi ah u saxiixday Heshiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta (CRC).
Munaasabaddan ballaaran oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, waxaa kasoo qayb-galay Golaha Wasiirrada oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen arday, macallimiin, bulshada rayidka ah iyo saaxiibada caalamka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista guulaha la gaaray tobankii sano ee la soo dhaafay, xaqiijinta badqabka ubadka, iyo xoojinta wadashaqaynta hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo horumariyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay jiritaanka qaranka:
”Waxaa noo muuqatay haddii ilmuhu waxbarasho la’aan yahay, in ay la mid tahay dalka oo aan mustaqbal lahayn. Si dalkeennu mustaqbal u yeesho, waxaa fure u ah in ilmaha Soomaaliyeed mustaqbal loo abuuro oo ay helaan waxbarasho iyo barbaarin wanaagsan.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, dadaalka hagar la’aanta ah ee ay ugu jirto horumarinta iyo difaacidda xuquuqda carruurta. Wuxuuna ku boorriyay dhammaan hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha caalamiga ah in ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta mustaqbalka ubadka.
Ugu dambayntii, Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka ayaa mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay dardar-gelinta siyaasadaha iyo barnaamijyada lagu horumarinayo daryeelka carruurta, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa xuquuqdooda aasaasiga ah ee nolosha, waxbarashada, caafimaadka, iyo nabadgelyada.


