Nairobi:-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay in si rasmi ah xubin uga noqoto Golaha Fulinta ee Hay’adda UN-Habitat, taas oo ah guul taariikhi ah oo ka tarjumeysa horumarka siyaasadeed iyo dib u soo kabashada hay’adaha dowladnimo ee dalka.
Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Soomaaliya, Dr. Elmi Mahamoud Nur, ayaa ku guuleystay in Soomaaliya si rasmi ah loogu doorto xubinnimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat, iyadoo muddo afar sano ah ay ku jiri doonto xilkan muhiimka ah.
Xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Fulinta waxay muujinaysaa kalsoonida beesha caalamku ay ku qabto dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska magaalooyinka, iyo sidii Soomaaliya cod muuqda uga yeelan lahayd fagaarayaasha caalamiga ah.
Dr. Elmi Mahamoud Nur, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta, ayaa door muuqda ka qaatay sidii loo xaqiijin lahaa guushan. Waxa uu si hagar la’aan ah ugu dadaalay sidii Soomaaliya u noqon lahayd xubin buuxda oo matasha danaha dalka ee Golaha Fulinta ee UN-Habitat, kaas oo mar kasta afartii sano la cusboonaysiin karo.
Guushan waa mid ay wada leeyihiin Wasaaradda Hawlaha Guud, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay caddeyn u tahay dadaalka lagu bixinayo dhismaha dowladnimada, horumarka magaalooyinka, iyo ka qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya ee hay’adaha caalamiga ah.