Soomaaliya oo ku guuleysatay hufnaanta adeegga sare ee Hawada (A) (WARBIXIN)

Todobaakii la soo dhaafay waxaa Dowladda Soomaaliyed iyo Shacbigeedaba u qabsoomay waxyaabo badan oo kor u qaadaya masiirka Umadda Soomaaliyed, hagaajinaya Heykalka Dowladnimo, waxaana ka mid ahaa Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday Magaaladda Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023-ka, laga soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxaana Shirkaan soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, waxaa kaloo jira midka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika, (EAC) oo ay xaruntiisu tahay Tansaaniya ayaa la sameeyay sanaddii 2,000, waxaana qeyb ka ah waddamada Tansaaniya, Yugaandha, Kenya, Ruwandha, Burundi, Koofurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Congo (DRC), waxaana la filayaa inay siddeed ku noqoto dhowaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagana ka socda.

Wafdigan oo muqdisho ku sugnaan doona muddo tobban cisho ayaa la kulmi doona madaxda Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee hey’addaha dowladda si ay u hubiyaan in Dowladda Soomaliya la jaanjaadi karto xubnaha Ururkan, kaasi oo ah qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa berri ka furmaya Muqdisho, iyadoo maanta ay dalka imaanayaan wafuudda shirkaas uga qeyb geleysa 7-da wadan ee Ururka oo gaareysa 50 xubnood, iyo waxaa kaloo jira in Soomaaliya ay guuli u soo hoyatay kadib markii Hawda Soomaaliya la gaarsiiyay darjada A.

Ururka caalamiga ah ee duullimaadyada rayidka ee magaciisa loo soo gaabiyo (ICAO), ayaa sare u qaaday darajada ay ku shaqeyso hawada Soomaaliya, taasoo hadda la gaarsiiyay heerka Darajada A, iyada oo ay Soomaaliya kolkii hore ku soo shaqeyn jirtay heerka Class G, kaasi oo ah meesha ugu hooseeysay habka darajooyinka lagu qiimeeyo hagidda Diyaaradaha hawada mara, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkii 2018-kii la soo wareegtay maamulka hawada,taasoo ugu dambeysay markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana xilligaas loo wareejiyay magaaladan Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana howsha la soo wareegidda bilaabay Dowladdii uu markaasi Madaxweynaha ka ahaa Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee muddo xileedkeedii hore, soo dhameystirideedina isaga ayaa leh.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo shalay ka qeyb-gashay munaasabad loogu dabaaldegay guusha ay Soomaaliya ka gaartay heer qiimeynta maamulka hawada dalka,  waxaa kaloo munaasabadaasi ka qeybgalay Xildhibaanno, Masuuliyiinta Shirkada diyaaradaha iyo masuulyiin kale, waxaana halkaasi ka hadlay Wasiirka iyadoo sheegtay in dhawaan howlgali doonto Shirkadda Diyaaradaha Soomaaliyeed ee loo yaqaan Soomaali Airlines.

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Fardowsa Cismaan ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay darajada ay gaartay hawada Soomaaliya, sidoo kale waxa ay u mahadcelisay hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay 30 sanno kaddib in uu dalku la soo wareego maamulka Hawada, iyadoo hadalkiisa sii wadata  ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay, soona dhaweynayso in hawada Soomaaliya maanta loo aqoonsado mid buuxisay sharuudaha inay gaarto heerka ugu sareeya ee qiimeyn caalamiga ah.

Maareeyaha hey’adda duulista rayidka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in hawada Soomaaliya ay ku guuleysatay inay gaarto heerka ugu sarreeya ee qiimeynta caalamka, taas oo ka dhigan in badqabka duulimaadyada hawada ay meeshii ugu sareysay ay noqotay, waxaana ku soo dhiiranaya diyaarado badan oo caalami ah.

“Hawada Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxay joogtay qiimeynta caalamka heerka ugu hooseeya, waxaana ku guuleysanay inaan gaarno heerka ugu sareeya qiimeynta caalamka, bahda hey’adda duulista rayid Soomaaliyeed, waxay caawa ula mid tahay habeenkii ay Soomaaliya xornimada qaadatay.” Ayuu yir maareeye Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha ayaa sheegay in muddo sanad ah ay ku qaadatay dowladda Soomaaliya in hawada Soomaaliya la gaarsiiyo heerka ugu sarreeya ee qiimeynta (heerka A), kadib markii dowladdU la soo wareegtay hawada, taasi waxay ka dhigan tahay inaan bixinay dadaal dheeri ah oo aan maanta ku muteysanay qiimeyntaan sare.

Soomaaliya marka ay howshaan la wareegidda u bilaabato waxaa koraya masuuliyad weyn oo dhinaca Diyaaradaha Hawada sare mara, waxaana kordhaya tirada maritaanada Duulimaadyada, islamarkaana waxaa hordhaya dhaqaalaha ay ka helayso Soomaalida, waa guul wax badan lagu taamayay, lana doonayo in lagu fara adeego, waxaa la yiraahdaa Hawasda Soomaaliya waa midda labaad ee ugu dheer uguna ballaaran Qaaradda Afrika, waana waxybaha loogu doortay inay hesho Darajada (A), waxayna noo leedahay faa’ido weyn, islamarkaana ay shaqeyn doonaan lacag ka badan tii ay horay u soo saari jireen, waxa kaloo jira in arintani ay muhiim u tahay badqabka diyaaradaha isla-markaana ay haatan diyaarado caalami ah ku soo dhiiran doonaan Soomaaliya.

Maamulka Hawo-maridda Dal ee heerka A, waxaa lagu maamulaa Hawada ka sarreysa qiyaastii 24,500 feet oo u dhiganta (7,467 mitir), waxaana la siiyaa duulimaadyada oo dhan amarada marista hawada iyo kala hagistooda, iyadoo Hey’adda IATA ay sheegtay in tallaabadani ay si weyn u wanaajin doonto ammaanka Gobolka, ayna kor u qaadi doonto waxtarka Duulimaadyada, waxaana laga maamulayay Hawda Soomaaliya magaalada Nairoobi ee Dalka Kenya intii u dhaxeysa 1992-2018, waxaana hawada Soomaaliya isticmaala 24-kii saacba diyaarado gaaraya 400 caalami ah, balse hadda waxay kordheysaa waxayna gaari doontaa ilaa iyo 600 duulimaad maalintiiba.

Dowladda Soomaaliya markii ay la so wareeysay maamulida hawada, waxay ahayd heerka ugun hooseysay ee dhanka qiimeynta, waxaana ay kaga dhigan tahay guushaani in Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay inay maamulato hawadeeda, cilmi iyo khibrad ku filana way heysata, waana fursad dahabi ah ee soo martay Soomaaliya, waxaase loo baahan yahay in la xajiyo guushaasi, maadama ay tahay tijaabo muddo Lix bilood ah, mar walbana lala socdo tayada qalabka iyo Hagayaasha intaba, oo mar walba lagu dadaalo la jaanqaadidda dunida oo mar walba sii casriyoobaysa.

Qallinka C/laahi Ruush