Caruusha-Tansaaniya- Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga Hagidda ee Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya intii u dhexeysay 4–6 Agoosto 2025.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Qabyo-Qoraalka Istiraatiijiyadda 7aad ee Horumarinta EAC (2026/2027–2030/2031), taas oo hagaysa jihada iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo horumarka gobolka sanadaha soo socda.