Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Horumarinta Beeraha Afrika

Kigali-Rwanda-(Wargeyska Dalka)-Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda ka furmay shirka  21-aad ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika oo Dhammaystiran (CAADP).

Shirkan muhiimka ah waxaa Soomaaliya ku matalaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Maxamed Xassan Cabdulle.

Kulanka ayaa sanadkan diirada lagu saarayaa u diyaarinta Qaaradda Afrika ee ku aaddan dhaqan-gelinta CAADP Kampala Declaration ee dhawaan la ansixiyay iyo Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee la socda (2026–2035).

Shirka ayaa fursad u noqday dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, hay’adaha caalamiga iyo daneeyayaasha horumarinta si ay uga wada hadlaan xoojinta siyaasadaha iyo istaraatiijiyadaha lagu horumarinayo wax soosaarka beeraha, Sugnaanta cuntada iyo Adkeysiga cimillada ee Qaaradda Afrika.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa mar walba u taagan in ay door firfircoon ka qaadato dadaalada lagu horumarinaayo nidaamka cunto soosaarka, Maareynta dhulka, biyaha iyo Xoojinta iskaashiga gobolka ee hoos yimaadda barnaamijyada CAADP.