Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika (Gulf–Africa Strategic Partnership Initiative – GASPI).
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin heer sare ah, siyaasad-dejiyeyaal, Khubaro iyo wakiillo ka kala socday Afrika iyo dalalka Khaliijka si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsiga iyo maalgashiga Maaliyadda cimillada.
Agaasimaha fulinta ee sanduuqa Qaranka ee cimilada Soomaaliya, ahna Madaxa xoghaynta hindisaha Geeska Afrika, Liiban Daahir Cabsiiye, ayaa ka qaybgalay shirka, isagoo si firfircoon uga qayb qaatay doodaha ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa iskaashi miro dhal ah oo u dhexeeya Afrika iyo dalalka Khaliijka, kaas oo horseeda maalgashi waara, ganacsi kobca iyo iskaashi dhaqaale oo labada dhinacba faa’iido u leh.
Agaasimaha, ayaa Intii lagu guda jiray dooddii shirka, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladaha Afrika ay lagama maarmaan u tahay in ay si cad u qeexaan himillooyinkooda iyo mudnaantooda horumarineed si ay u soo jiitaan maalgashiga iyo raasumaalka dalalka Khaliijka.
Waxa kale oo uu xusay in maalgashigu uu noqdo mid wax ku biiriya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adkeysiga bulshada iyo deegaanka, kobcinta tayada shaqaalaha iyo horumarinta awoodda aadanaha ee heer qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in maalgashiga Afrika uu u baahan yahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dulqaad iyo arragti fog, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo ka faa’iideysta labada dhinac.
Dhanka Soomaaliya, isagoo ka wakiilka ah, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, oo ah guddoomiyaha Hindisaha Geeska Afrika, ayuu xaqiijiyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta dhammaan dalalka xubnaha ka ah hindisaha si loo xoojiyo isdhexgalka ganacsiga gobolka, kor loogu qaado fursadaha maalgashiga gaarka loo leeyahay, loona taageero hirgelinta mashaariicda horumarineed ee hadda socda iyo kuwa mustaqbalka iyadoo lala kaashanayo bah-wadaagta horumarinta.
Agaasimaha fulinta ee sanduuqa Qaran ee Isbeddelka cimilada Soomaaliya, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelinta dadaallada lagaga hortagayo saamaynta isbeddelka cimilada. Wuxuu xusay in isbeddelka cimiladu uu dhibaatooyin ba’an ku hayo bulshada, nolosha iyo dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ah Hindisaha Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative), taas oo u baahan iskaashi iyo maalgelin waarta si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona yareeyo khataraha mustaqbalka.
Ugu dambeyn, wuxuu uga mahadceliyay hay’adaha ODI, Gravitas, iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya (Institute of Foreign Affairs of Ethiopia) qabanqaabinta kulankan muhiimka ah ee dhiirrigelinaya iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Afrika iyo dalalka Khaliijka.

