Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay iskaashiga waddamada badaha leh iyo kuwa aan lahayn

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ka qeybgalay Shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee waddamada soo koraya ee aan badda lahayn (LLDCs), kaas oo ka furmay magaalada Awaza ee dalka Turkmenistan, socon doonana 5–8 Agoosto.

Shirkan oo heer caalami ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa isku xirnaanta dhanka kaabeyaasha, fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyo kor u qaadidda iskaashiga dhanka horumarinta ee u dhexeeya wadamada aan badaha lahayn iyo kuwa badda leh.

Ujeedada guud ayaa ahayd in la xoojiyo fursadaha kobaca dhaqaale iyo horumarka waara, iyadoo la adeegsanayo iskaashi ballaaran iyo istiraatiijiyad cusub oo lagu hirgelinayo Barnaamijka Awaza ee 2024–2034.

Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa shirkan uga qayb galay matalaadda Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato dadaallada lagu taageerayo wadamada aan badaha lahayn, isla markaana la xoojinayo xiriirka iskaashi ee gobolka iyo caalamkaba.