Soomaaliya oo ka qaybgashay s๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š s๐š๐ง๐š๐ ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐จ๐จ xalay ๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ ๐€๐ฅ๐ ๐ž๐ซ๐ข๐š

๐€๐ฅ๐ ๐ข๐ž๐ซ๐ฌ- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaan gaaray dalka Algeria ayaa ka qeyb galay caawa furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo Sanadkan lagu qabanayo magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria.

Shirkaan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Raโ€™isul Wasaaraha dalka Algeria Mudane Nadir Larbaoui, iyada oo shirka ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada iyo Safiirada malatalayay dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Bangiga horumarinta Islaamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shirarka loo dhanyahay ee Bangiga horumarinta Islaamka iyo kulamada gaarka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha dalka oo dowladda Soomaaliya ay galisay dadaal dheer sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan ah ah.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waxa uu ka mid yahay saaxiibada sida gaarka ah u taageera Dowladda Soomaaliya, sidoo kale gabagabada shirarka Bangiga ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natiijo muhiim ah ah dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee dalka.