Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), oo hoggaaminayay wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa ka qaybgalay Kalfadhiga 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo looga hadlay xaaladda Falastiin Al-Qudus, Al-Shariif, iyo doorashada Xoghayaha Guud ee cusub ee Ururka OIC.
Dowladda Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay garab-istaagga iyo taageerada ay u hayso shacabka Falastiin, iyadoo ku baaqday in la gaaro xal caddaalad ah oo waara, kaas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada khuseeya ee Qaramada Midoobay.
Kalfadhiga ayaa Mudane Ismaaciil Ould Cheikh Ahmed oo ka socday Dowladda Mauritania loogu doortay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka muddada u dhaxeysa 2027–2032.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu hambalyeysay Xoghayaha Guud ee cusub xilka loo doortay, iyadoo sidoo kale bogaadisay adeegga iyo hoggaankii Xoghayihii Guud ee xilka ka sii degaya, Mudane Xuseen Ibraahim Taha.
Soomaaliya waxay mar kale sheegeysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta midnimada iyo iskaashiga dalalka Islaamka iyo tallaabooyinka wadajirka ah.

