Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha ganacsiga Africa iyo Hindiya

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha’  Mudane Cabdisalaam Shariif Xusseen, ayaa ka qayb galay shirweynaha ganacsiga Africa iyo Hindiya (Indian African conclave 19th CII)  oo ka socdo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya.

Shirka oo sanadle ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda inta badan dalalka Qaaradda Africa,  waxanay madaxda halkaasi ka hadashay sheegeen in kobaca ganacsi iyo dhaqaalaha Qaarada Africa uu dardar xooggan ku socdo.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Hindiya, Jagdeep Dhankar ayaa ku dheeraaday xiriirka Hindiya iyo Africa maalgashiyada labada dhinac iyo sida ay weli diyaarka ugu yihiin in ganacsiga iyo suuqyada Africa wax soo saarkooda kor loo qaado.

Africa iyo Hindiya ayaa inta badan waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinacyada dhaqaalaha,  ganacsiga  iyo maalgashiga ah.