Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay shacabka iyo dowladda Pakistaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo bogaadin ku aadan maalinta xorriyadda Pakistaan u dirtay Dowladda iyo Shacabka dalkaas.

Shacabka iyo Dowladda Pakistaan ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 14-ka Augusto u dabaal degaya sanad guurada 79-aad ee Xorriyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS ayaa lagu yiri ”Munaasabadda 79-aad ee sanad-guurada Xorriyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan awgeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Dowladda iyo shacabka Pakistan.

Pakistaan ayaa 14-kii August Sanadii 1947-kii xornimadeda ka qaadatay dowladda Ingiriiska.

“Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga laba geesoodka ah isla markaana ah mid soo jireena kaas oo ka dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Pakistan, si loo sii horumariyo danaha iyo xiriirka labada dal iyo tan shacabka walaalaha ah” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.