Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed Xasan, ayaa guddoomiyey furitaanka shirkii ugu horreeyey ee Wasiirrada Ganacsiga ee dalalka ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika (HoAI).

Wasiirka oo ku hadlay magaca dalalka ku midoobay Hindisaha Geeska Afrika, ayaa ku baaqay in gobolku si wadajir ah ugu dhaqaaqo dhismaha hal aag dhaqaale oo wadaag ah, lagana gudbo ballanqaadyada siyaasadeed loona gudbo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo natiijooyin la taaban karo u horseeda ganacsatada iyo shacabka gobolka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ansixinta iyo hirgelinta Qorshe-hawleedka Fududeynta Ganacsiga Gobolka ee 2026–2031, dhismaha Guddiga Goboleed ee Fududeynta Ganacsiga (RTFC), iyo in dalalka xubnaha ahi waqtigii loogu talagalay soo magacaabaan wakiilladooda guddiga.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu ku baaqay isku-dubarid xooggan oo u dhexeeya dalalka, maalgelin ku filan iyo ka qaybgal dhab ah oo ay yeeshaan ganacsatada iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay, si qorshaha gobolka loogu beddelo waxqabad la cabbiri karo.

Wasiirrada ka kala socday Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Suudaan ayaa muujiyey taageeradooda qorshe-hawleedka iyo dhismaha guddiga gobolka. Waxay si gaar ah diiradda u saareen horumarinta marinnada ganacsiga, fududeynta habraacyada kastamka, isku-xirka dekedaha iyo dalalka aan badda lahayn, casriyeynta xuduudaha, adeegyada dhijitaalka ah iyo ka qaybgalka ganacsatada.

Dowladda Jarmalka oo ku hadlaysay magaca saaxiibbada horumarinta ayaa xaqiijisay taageerada joogtada ah ee ajendaha ganacsiga gobolka, iyadoo adkaysay muhiimadda hoggaanka dalalka, isku-dubaridka taageerada farsamo iyo midda maaliyadeed, iyo dejinta hannaan hirgelineed oo cad.

“Himiladeennu waa Geeska Afrika oo xuduudihiisu isku xiran yihiin dhaqaale ahaan, halkii ay kala qaybin lahaayeen—halkaas oo badeecadaha, adeegyada iyo fursaduhu si fudud uga gudbaan dalalka ku yaalla Geeska Afrika ee ku midoobay Hindisaha HoAI.”

Shirkan wuxuu caddeynayaa in dalalka Geeska Afrika ay u gudbayaan iskaashi abaabulan oo lagu yareynayo caqabadaha ganacsiga, lagu hagaajinayo isu-socodka badeecadaha, laguna dhisayo dhaqaale goboleed isku xiran oo loo dhan yahay. See less