Soomaaliya oo guday qeyb kamid ah abaalkii ay u galeen walaalaha Turkiga (warbixin)

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaynsa shacabka Soomaaliyeed ayaa dowladda Turkiga ku wareejisay ku dhawaad shan malyan oo Dollar oo ay ku caawinayso dhibanayaasha Turkida oo dhibaato kasoo gaartay Dhul gariirkii ku dhuftay dalkaas dhowaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hore 16 February u magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo garoowsan sida Turkigu ay ugu soo gurmadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xilligii adkaa ayaa go’aamiyey in maanta aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

Soomaaliya oo ku suntaneed in muddo ah dal la caawiyo markay dhibtooyin ka dhacaan ayaa hadda u muuqato mid la tartamaysa dhigeeda caalamka,ka dib horumaro dowladda Soomaliya ka samaysa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u kaca dhaqaalaha guud ee dalka iyadoo hadda muuqato in dowladda iyo shacabkeeduba aysan hilmaamin kaalintii dalalka qaar ay ka geysteen u gurmashada ummadda Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee la soo maray.

Dhawaan dalka Turkiga waxaa ka dhacay dhul gariir aad u xoogan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 45,960,dhaawaca iyo hanti badan oo ku bur-burtay taas oo dalalka caalamka bilaabeen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka halkaas dhibka kasoo gaaray.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo la wada xasuusto kaalintii walaalaha Turkiga ay ka qaateen abaarihii kala duwanaa ee ku dhuftay dalka haba ugu darnaato abaartii sanadkii 2011-kii kolkaas oo dowladda turkiga iyo shacabka Turkigu gurmad weyn ka geysteen sammata bixinta shacabkii Soomaaliyeed ee abaartu haleeshay.

Munaasabad lagu qabtay muqdisho oo ay ka qayb galeen  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BJFS Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ganacsato iyo xubnno ka socday beesha caalamka ayaa dowladda Turkiga loogu guddoonsiiyay lacagtan oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed  uga qayb qaadanayaan gurmadka cadadka lacagtan ayaa dhamad $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii haleeshay.

Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Turkiga iyo dowladooda ay Soomaaliya u soo gurmadeen wakhti ay xaaladu aad u adkeyd isla-markaana hada dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay walaalahooda turkiga u muujiyeen garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada soomaaliyeed aya sheegay in ganacsatada soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay diyaar u yihiin in ay garab istaag dhinac walba leh u muujiyaan walaalahooda Turkiga, isagoo xusay in iyadoo lagu jiro marxalado adag ay garab istaageen shacabka Soomaaliyeed.