Soomaaliya oo doonaysa inay burburiso Shabakadda Maalgelinta Al-Shabaab (WARBIXIN)

16-kii Janaayo, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guul weyn. Ciidankeedu waxay xoreeyeen Xarardheere, oo ahayd xaruun ay Al-Shabaab ku lahaayeen Xeebta Badweynta Hindiya oo ay kooxda Argagixisadu haysteen muddo toban sano ah., iyadoo Xarardheere ay horay u ahayd saldhig ay ku sugnaayeen burcad-badeedda afduubka iyo Madax-furashada uga geysan jiray Maraakiibta ku sugan badda ayaa Xarardheere, waxayna ahayd il dhaqaale oo aad u badan oo Al-shabaab ka soo geli jirtay tan iyo sannadkii 2011-kii oo ay ka heli jireen dakhli canshuuro ah.

Ka dib markii la doortay 2022-kii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhawaaqay “dagaal guud” oo ka dhan ah kooxda Argagixisada, wuxuuna wacad ku maray inuu joojinayo dhaqaalaha kooxda. “Waa in aan isticmaalno awood Ciidan, barasho fikir sax ah oo aan ka jarno maalgelinta sharci darrada ah.

“”Al-Shabaab loogama adkaan doono qoriga oo keliya,” ayuu ku qoray maqaal bishii Oktoobar lagu daabacay mareegaha wararka ee Soomaaliya. “Waa in aan isticmaalno awood ciidan, barasho fikir sax ah oo aan ka jarno maalgelinta sharci darrada ah. Waxaan mar kale ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dadaalladayada wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan la-shaqeynta al-Shabaab nooc kasta ha ahaadee, iyadoo aan loo eegin qiimaha.”

Iyadoo xiriir adag ay la leedahay hogaanka sare ee al-Qaacida, al-Shabaab waxay maalgelisay weerarada aan kala joogsiga lahayn ee ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed. Waxa kale oo jira caddaymo ay lacag siisay kooxaha xagjirka ah ee Nigeria iyo Mozambique, sida uu sheegay Maxamuud.

Soomaaliya ayaa qaaday weeraro militari oo ka dhan ah al-Shabaab tan iyo bishii Luulyo 2022-kii. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, weerarkaas ayaa ballaartay oo lagu daray weeraro xudunta u ah ilaha dhaqaalaha badan ee al-Shabaab, waxayna Khubaradu sheegeen inay adkaan doonto in la burburiyo, iyadoo la tixgelinayo in kooxdu ay gacanta ku hayso saddex meelood meel dalka, oo ay ku jiraan qiyaastii 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. 5,000 ilaa 7,000 oo dagaalyahanadeedu waxay ku hayaan inta badan baadiyaha, iyagoo caburin ku haya.

Warbixin uu soo saaray machadka Hiraal oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay bishiiba ururiyaan lacag dhan 15 milyan oo dollar, taasi oo u badan lacago baad ah iyo canshuuro, Iyadoo adeegsanaysa caga-jugleyn, rabshado iyo xeelado Maafiyo u eg, al-Shabaab waxay ururisaa dakhli badan si la mid ah Maamulada Soomaaliya, iyadoo Dhammaan shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya ay Al-Shabaab lacag siiyaan bil kasta iyo “zakad” ama canshuur sannadkii, 2.5% faa’iidada sannadlaha ah, ayay tiri warbixintu, waxaana la sii raaciyay “Cabsi iyo khatar la aamini karo oo noloshooda ku soo fool leh ayaa ah dhiirigelinta kaliya ee al-Shabaab canshuur bixiyayaasha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Amniyaadka laga cabsado, garabka amniga iyo sirdoonka ee al-Shabaab ayaa ka kooban ilaa 500 ilaa 1,000 hawl-wadeenno ah, ururiya oo maamula dhaqaalaha kooxda, waxaase Maamulku uu cunaqabateyn caalami ah ku soo rogay shabakad ka kooban toban xubnood oo ka tirsan waaxda maaliyadda ee al-Shabaab bishii Oktoobar 2022-kii, ka dib markii ay u isticmaaleen dhaqaalaha tahriibinta iyo ka ganacsiga hubka iyo qoritaanka.

Kooxdan ayaa lacag kumanaan dollar ah ka qaada maalin kasta iyaga oo u mara jid gooyooyin ganacsi oo muhiim ah. Waddada aada Baydhabo ayaa ah mid faa’iido badan leh, sababtoo ah ganacsatada iyo kooxaha samafalka ayaa raashin iyo sahay u daabula xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in hal jidgooyo ay ka soo xarooto lacag dhan 5,000 oo dollar maalintii waddada aada Baydhabo.

“Waa urur maafiyo la mid ah oo xididaysan, kuna dhex milmay dhammaan qeybaha bulshada, dhaqaalaha iyo dawladda qaybaha koonfureed ee dalka,” ayuu qoray. “Waxay bixisaa adeegyada aasaasiga ah, inta badan la xiriidha amniga iyo caddaaladda, waxayna ku raaxaysanaysaa heer sharci ah meelaha qaarkood.”

Dabayaaqadii Sebtembar, dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo looga dan leeyahay in lagu curyaamiyo awoodda al-Shabaab oo dhaqaale uruurin. Khudbad uu jeediyay Janaayo 11-keedii, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay xirtay Akoon kasta oo Bangi oo caan ah oo ku xirnaa al-Shabaab, ku dhawaad 250 xisaabood oo ku yaallay afar Bangi – ayna xirtay adeegyada taleefannada gacanta iyo xogta ilaa 70 taleefoonnada gacanta ah oo ay dableydu adeegsanayeen lacag xawilaad.

“Tani waxay ahayd guul weyn, waxayna suurogashay oo keliya talooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri. “Waxaan ku guda jirnaa baaritaanka xaadiga lacagta la xayiray ee xisaabaadka xiran.”

Afhayeenka Sheekh Cali Dheere ayaa 28-kii Janaayo sheegay in kooxdu aysan “ aqbali doonin” in bangiyada ay siiyaan macluumaadka macaamiisha “shisheeyaha” wuxuuna ku tilmaamay falalka noocaasi ah “wax ciqaab ah”, balse Cumar Maxamuud, oo ah Falanqeeye sare oo Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa sheegay in weerarrada milateri iyo kuwa maaliyadeed ee Soomaaliya ay sameynayaan isbeddel, balse caqabadda ugu weyn ay weli tahay mid guulo laga gaarayo.“Samaynta ama nasashadu kuma jirto wejiga weerarka ee waa wax kasta oo ka dambeeya,” ayuu u sheegay Reuters. “Al-Shabaab hubaal waxaa saaran cadaadis, laakiin waxay ciyaaraan ciyaar dheer.”.

ADF STAFF ayaa qortay waxaase Diyaariyay C/llaahi Ruush