Soomaaliya oo diyaarineysa ergay dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya Suudaan

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhowaaan la magacaabi doono ergay u howlgala sii ambaqaadidda qorshaha badbaadinta ee Dalka Suudaan.

Wasiiru dowlaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahy dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan,isagoo qiray in dalkaasi uu kamid yahay dalakii u soo gurmaday Soomaslaiya.

Mudane Cali Balcad waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u yahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama ayuu yiri “Soomaaliya ay xubiin ka tahay golaha ammaanka ee qaramada midoobay

Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn,sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhowaan aan magacaawno ergay dhexdhexaadiya labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi”ayuu yiri wasiiru dowlaha.