Soomaaliya oo dedaal ugu jirta in wax laga beddelo habka loo wajaho gagaarka Bani’aadannimada

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Gargaarka Bani’aadannimada.

Xil; Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in wax laga beddelo hannaanka loo maareeyo gargaarka bani’aadaannimo ee Soomaaliya.

Ergeyga ayaa tilmaamay qodobbo dhowra oo ay ka mid yihiin, In laga gudbo gurmadka degdegga ah ee loo jihaysto mashaariicda wax ku oolka ah ee dhisaysa adkaysiga bulshada, soo kabashada iyo horumarka si looga gudbo ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadanimo.

In Soomaaliya loo maalgeliyo sidii ay khayraadka dalkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, ugana guulaysan lahayd argagexisada iyo is-beddel ka cimilada.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale madasha ka sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan iyo in laga jawaabo halka ay martay 8 bilyan oo doolar oo 10-kii sano ee ugu danbaysay la sheegay in loogu gurmaday Soomaaliya.

Hadal jeedinta ka dib ayuu Ergeygu ka qayb galay dood wadaag ay ka wada qayb galeen Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka UK Andrew Mitchell, Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Swedan, Diana Janse iyo Madaxa guud ee Hay’adda UNDP Achim Steiner.

Madashan oo sanadle ah ayaa waxaa isugu yimaadda madax heer Wasiir ah, madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah, deeq bixiyayaal iyo dadka u dhaqdhaqaaqa hawlaha gargaarka bini’aadannimada.