Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci Lr. 48 ee 19 Janaayo 2026.
Sharcigan ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuquuqda, karaamada iyo danta ugu wanaagsan ee carruurta la kulma nidaamka cadaaladda, iyadoo loo sameeyay habraacyo gaar ah oo khuseeya qabashada, haynta, baarista, dacwad-oogista iyo maxkamadeynta da’yarta.
Sharcigu wuxuu sidoo kale mudnaan siinayaa kaalmo-sharciyeedka, dhaqan-celinta iyo dib-u-dhexgalka carruurta ee bulshada, iyadoo xorriyad-ka-qaadista ilmaha loo aqoonsaday tallaabada ugu dambaysa, isla markaana carruurta laga soocayo dadka waaweyn marka la hayo.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka socday hay’adaha cadaaladda, Baarlamaanka Federaalka, Booliska, Ciidanka Asluubta, dowlad-goboleedyada, Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, Qaramada Midoobay iyo bulshada rayidka ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in guusha sharcigan ay ku xirnaan doonto hirgelintiisa, iyadoo mudnaanta la siinayo tababarka hay’adaha cadaaladda, xoojinta kaalmo-sharciyeedka, horumarinta adeegyada dhaqan-celinta iyo adeegsiga tallaabooyin aan xabsi ahayn marka sharcigu oggol yahay.
Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa loogu baaqay inay sharciga ku daraan qorshayaashooda iyo miisaaniyadahooda, si loo xaqiijiyo ilaalinta iyo dib-u-dhexgalka carruurta Soomaaliyeed ee la kulma nidaamka cadaaladda.

