Soomaaliya oo cambaareysay weerarada lagu beegsanaayo goobaha tamarta ee dalalka Khaliijka

.Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay wadaan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan,isla markaana lagu beegsanaayo ama lagu bartilmaameedsanaayo kaabayaasha tamarta ee ku yaalla  Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qadar, iyo Imaaraadka Carabta.

Weerarada lagu hayo goobaha lagu farsameeyo tamarta waxay ka dhigan yihiin xadgudub weyn oo lagula kacay sharciga caalamiga ah, waxayna arrintaasi halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida ee  gobolka.

Soomaaliya waxay dib u xaqiijineysaa wadajirkeeda buuxa ee ay la leedahay Dowladaha iyo dadka Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka Carabta, waxayna taageertaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda iyo hubinta badbaadada muwaadiniintooda iyo dadka deggan.

Sido kale,Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqaysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta marinnada tamarta ee muhiimka u ah xasilloonida adduunka,iyadoo dhinaca kalena ay lagama maarmaan tahay in la wajaho baahida degdegga ah ee loo qabo in la dejiyo xiisadda ,isla markaana lala yimaado wadahadal ku saabsan xalka gobolka.