Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Iran ku qaaday Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii dhowaan ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday Dowladda Qadar, taasoo ah ku xadgudub cad oo liddi ku ah sharciga caalamiga ah isla markaana halis weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa midnimo buuxda iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Dawladda Qadar, waxayna mar kale adkaynaysaa taageerada aan leexleexadka lahayn ee ay u hayso madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee Qadar.

Dowladda Soomaaliya waxay weligeed u taaganeed ilaalinta nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xeer iyo kala dambayn, iyadoo ku saleysan ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha, xurmeynta xuduudaha iyo xallinta khilaafaadka si nabadeed oo wadahadal iyo isfahan ku saleysan.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxaana sidoo kale ugu yeereynaa beesha caalamka inay si mid ah u garab istaagto dadaallada nabadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dowladaha.

 

DHAMMAAD