Soomaaliya oo Bandhig Weyn ka Samaysay Carwada ganacsi iyo Dhaqaalaha Shiinaha

Changsha, Hunan:- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta taariikh cusub qortay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Abdi Ali (Dhaay), si rasmi ah xarigga uga jaray madasha Soomaaliya ee Carwada Afaraad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika oo ka socota magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Waa markii ugu horreysay oo shirkado Soomaaliyeed si buuxa uga qaybqaataan carwadan muhiimka ah, taasoo fursad weyn u noqotay in caalamka lagu tuso wax-soo-saarka kala duwan ee dalku leeyahay—laga bilaabo xabagta kala duwan sida malmal ka iyo fooxa, ilaa kalluunka qasacadaysan, liinta qalalan, sisinta, iyo badeecado kale oo ay dadkeennu farsameeyaan.

Bandhigan Soomaaliyeed wuxuu si gaar ah u soo jiitay dadkii carwada ka soo qaybgalay—oo isugu jira masuuliyiin Shiinees ah, wafdi Afrikaan ah, maalgashadeyaal, iyo dadweyne danaynaya suuqyada cusub. Soo-bandhigidda ayaa muujisay in Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay horumarinta ganacsigeeda iyo in la gaaro suuqyo caalami ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo madasha furay ayaa hadal kooban ku yiri:

“Maanta waxaan u istaagnay inaan caalamka tusno hal-abuurka, kartida, iyo wax-soo-saarka dadka Soomaaliyeed. Ganacsato ka kala yimid dhammaan gobollada ayaa halkan jooga—waxay muujinayaan dadaalka, rajada shacabka Soomaaliyeed, iyo riyooyin ganacsi oo hadda bilow ah. Waxaan si qoto dheer ugu mahadnaqayaa Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha, oo dadaal xooggan gelisay abaabulka iyo hirgelinta bandhiggan muhiimka ah.”

Ka-qaybgalka Soomaaliya ee carwadan waxa uu qayb ka yahay dadaallada dowladdu ugu jirto kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta ganacsiga gudaha, iyo kasbashada maalgashi shisheeye. Waxa kale oo ay si toos ah u la jaanqaadaysaa yoolalka horumarineed ee ku xusan qorshaha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC).