Soomaaliya oo 35 kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in arintaan ay timid ka dib markii ay dawladda Soomaaliya bixisay Qaraankii lagu lahaa taas oo kor uqaaday suncadda Soomaaliya.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladaha aanan bixin qaraanka aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiyada goalaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, sida ku cad liiskaan hoose oo ay ku jiraan dowlado badan.