Soomaaliya ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee glotel awards

Munaasabad heerkeedu sareeyo oo ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya waxa ay ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards, iyadoo tartanka ugu guuleysatay Mareykanka, Ingiriiska, India iyo Kuuriyada Koonfureed

โ€œWaxaan ku faraxsannahay in aan Soomaaliya guul uga soo hooynay abaalmarinta caalamiga ah ee ๐—–๐—ผ๐—ป๐—ป๐—ฒ๐—ฐ๐˜๐—ถ๐—ป๐—ด ๐˜๐—ต๐—ฒ ๐—จ๐—ป๐—ฐ๐—ผ๐—ป๐—ป๐—ฒ๐—ฐ๐˜๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ oo ay bixiso madasha ๐—š๐—น๐—ผ๐˜๐—ฒ๐—น ๐—”๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐˜€ ee Warbaahinta ๐“๐ž๐ฅ๐ž๐œ๐จ๐ฆ ee dalka Ingiriiskaโ€ ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom.

Xafladdan oo ka dhacday magaalada London ayaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay abaalmarintan caalamiga ah, taas oo ay muteeysatay kaalinta Shirkadda ee isku xirka ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Abaalmarinta waxaa ku tartamayay Shirkado badan oo ay kamid yihiin Wifinity ee dalka Ingiriiska, Zayo Group ee Mareykanka, HFCL ee India, iyo Shirkadda SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed. Waxaa sidoo kale madasha abaalmarinno lagu guddoonsiiyay 24 shirkad oo hoggaamiya isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda adduunka sida Intel, Huawei, Vodafone, Saudi Telecom, Ericsson, ZTE, iyo China Mobile.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku bogaadisay Shirkadaha iyo hayโ€™adaha kale ee guulaha ka soo hooyay caalamka oo ay ugu horeyso Shirkadda Hormuud Telecom, iyadoo tani qeyb ka tahay guulo taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaareyso fagaarayaasha caalamka.

ย ย