Yemen:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalka Yemen Mudane Caydruus Qaasim Al -Zubeedi .
Madaxweyne ku xigeenka iyo Danjiraha ayaa ku wada hadlay iskaashiga laba geesoodka ah ee udhaxeeyo labada dowladood iyo xariirka labada shacab dhanka gancasiga iyo arrimah bulshada, sidoo kale waxaa looga wada hadlay xoojinta amniga xeebaha iyo ka hortaga khatarha sida burcad badeedka , hubka sharci darrada ah iyo tahriibka.