Soomaaliya iyo waddamada saaxiibka la ah oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Cali Cumar iyo La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin, ayaa waxay magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmeen saaxiibbada muhiimka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wakiillada dalalka Qatar,Turkey, UAE, UK, US, waxayna soo saareen bayaan wadajir ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dagaalka dowladda Soomaliya kula jirto kooxaha khawaariijta, dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka dastuurka.

Dalalkan ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada, amniga caalamiga ah iyo muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in waqtiga ku habboon ee gargaarka la gaarsiiyo meelaha la xorreeyay.

Waxay sidoo kale go’aansadeen inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta si Golaha Ammaanka uu si buuxda uga qaado xakameynta hubka ee Soomaaliya.

Bayaanka wadajirka ayaa waxa walaac looga muujiyey dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ay sababeen abaaraha, iyadoo la qorsheeyey in kulanka midkan xiga lagu qaban doono dalka Qatar ka hor dhamaadka bish May.