wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kulanku diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen fursadaha iskaashiga ee dhinacyada Batroolka iyo kheyraadka Macdanta, iyo siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga laba geesoodka ah, si loo dardargeliyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu Safiirka uga mahadceliyay booqashadiisa iyo waxa ay Wasaaraddu ku tilmaantay “wadahadal miro dhal ah”, isagoo Carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
“Wasaaraddu waa ay ka go’an tahay horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaan kale oo ka soo baxay, Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in kulanku uu fursad u abuuray in laga hadlo “xaaladda hadda maraysa iskaashiga Tamarta ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya iyo rajada mustaqbalkiisa”.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay mashaariic wadajir ah oo looga gol leeyahay in kheyraadka Tamarta Soomaaliya ay gacan ka geystaan dhaqaalaha qaranka iyo wanaagga dadkeeda, iyadoo sidoo kale laga eegay fursadaha lagu horumarinayo awoodda farsamo ee dalka, sida ay sheegtay safaaradda.
Wadahadallada waxaa sidoo kale looga hadlay hawlgallada madal-qodista biyaha aadka u qoto dheer ee Turkiga ee loo yaqaan “Çağrı Bey”, taas oo ka wadda hawlo sahamin ah oo lagu raadinayo kheyraadka hydrocarbon-ka, ayna ka waddo xeebaha Soomaaliya.
“Türkiye waxay sii wadi doontaa taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan ka faa’iideysiga kheyraadkeeda dabiiciga ah, horumarinta awooddeeda hay’adeed iyo farsamo ee qaybta tamarta iyo gaaritaanka yoolalka horumarinta waara iyada oo loo marayo mashaariic wadajir ah,” ayay tiri safaaraddu.
Sidoo kale, Safaaraddu waxay u mahadcelisay Wasiir Shire taageerada xooggan ee uu u muujiyay iskaashiga dhanka Tamarta ee u dhexeeya labada dal.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee ay Soomaaliya iyo Turkiga ku doonayaan inay ku ballaariyaan iskaashiga Batroolka, Macdanta iyo Tamarta, iyadoo labada waddan ay doonayaan inay horumariyaan dadaallada wadajirka ah iyo xoojinta awoodda Soomaaliya ee horumarinta kheyraadkeeda dabiiciga ah.
Xigasho:TRT Afrika

