Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay horumarinta Dhallinyarada iyo Isboortiga dalka

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Daccò Coppi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, ayaga oo xoogga saaray sidii dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ay kaga wada shaqayn lahaayeen arrimaha horumarinta Dhallinyarada iyo Isboortiga dalka.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay in laysku xiro hey’adaha ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga labada dal si ay Soomaaliya kaga faa’ideysato hey’adahan khibrad ahaan iyo farsamo ahaan.

Safiirka Dowladda Talyaaniga Ambassador Daccò ayaa dhinaciisa ka ballan-qaaday Wasiirka fududeynta xiriirka dhinacooda ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa dowladda Talyaaniga kaga mahad celiyay xiriirka hufan ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya.