Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Abdisalam Sharif Hussein oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiir ku xigeenka dawladda Sweden ee Soomaaliya iyo howlwadeenno kale oo ka socday safaaradda Sweden ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada dhinac, dar-dar-gelinta howlaha shaqo ee ku biiritaanka Ururka ganacsiga Adduunka (WTO) iyo guud ahaan dib-u-habaynta ganacsiga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa 2016kii soo bilowday ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka kaas oo xiligan laga sameeyey horumarro aad u weyn, waxaana taageero weyn arrintaas ka gaysata dowladda Sweden.

Dhinaca kale, wuxu Wasiirku halkaas ka caddeeyey ka go’anaanshiyaha dawladda Soomaaliya ee ku biiritaanka Ururkan oo ahmiyad weyn oo u leh ganacsiga, dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dalka.