Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa Aadan Xadow ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho dhiggiisa dalka Suudaan danjire Mucawiya Cusmaan Khaalid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo wadatashiyada joogtada ah iyo dib-u-eegista heshiisyada horay uga dhexeeyey Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo ka shaqaynta arrimaha amniga gobolka, si loo xaqiijiyo danta guud iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa wafdi heer sare ah oo uu qayb ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, mudane Cabdiraxmaan Khaliil Afandi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.

Tallaabadan ayaa ka turjumaysa xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah iyo sida ay labada dal uga go’an tahay xoojinta is-dhexgalka ka dhexeeya Muqdisho iyo Khartuum.