Soomaaliya iyo Suudaan oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan Mudane Maxamed Sheikh Isxaaq ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatey wasiirka Caafimaadka Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan Mudane Dr. Heytham Mohamed Ibrahim.

Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinaca Caafimaadka, waxay sidookale isla soo hadal qaadeen arrimaha khuseeya ardeyda Caafimaadka iyo fursadaha ka jira dalka Suudaan si ay ugu faa’ideystaan.

Sidoo kale, Safiirka iyo wasiirka caafimaadka dalka Suudaan ayaa isla garteen in la xaliyo cagabadaha si gaarka  ah u heesta ardeyda imtiyaazka ee Internshipka, wuxuuna ku dhammaadey guul.