Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimca ah  khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Singapore, Dr. Vivian Balakrishnan.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Singabore da iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dardargalinta howlaha la xiriira xagga dibolomaasiyadda iyo guud ahaan xiriirka caalamka.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Singapore ,waxa ay si gaar ah uga wadahadleen  dhowrista iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.