Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Muqsisho(WARGEYSKA DALKA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan wadahadal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Mudane Hu Changchun.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray isla markaasna si qotada dheer loogu falaanqeeyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal.

Dhinaca Wakiilka Shiinaha ayaa mar kale caddeeyay taageeradiisa adag ee madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la xusay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya oo ah marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo isku xirka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliyeed yaa dhankeeda ku celisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.

Shiinaha ayaa isna muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo hormariyo danaha wadajirka ah, loona taageero dadaallada ay Soomaaliya hoggaamineyso, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga arrimaha nabadda iyo amniga, gaar ahaan goobaha iskaashiga caalamiga ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, iyagoo aqoonsaday muhiimadda ay u leeyihiin kobaca dhaqaale ee waara iyo ka faa’iideysiga khayraadka badda ee ballaaran ee Soomaaliya.