Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Amb. Wang Yu.

Kulanka maanta oo Isniin ah dhacay, ayay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga dhanka waxbarashada.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa bisha soo socota ee December u dabaal-degaya sanad-guuradii 65-aad ee ka soo wareegatay aasaaska xiriirkooda diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah.