Waxaa maanta xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ka dhacay kulan dhexmaray wafdi ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo madaxda Shirkadda Dalxiiska ee China Tourism Group (CTG), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo maalgashiga dhinaca dalxiiska.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha, Danjire Dr. Hodan Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo agaasime-waaxeedyada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa madaxda shirkadda u soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dalxiiska xeebaha, hoteellada, dalxiiska beeraha iyo goobaha taariikhiga ah.
Waxa uu xusay in Soomaaliya ay danaynayso iskaashi ballaaran oo ay la yeelato shirkadaha dalxiiska ee Shiinaha, kuwa dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, isaga oo tilmaamay in waaxda dalxiiska Soomaaliya ay dib u soo kabanayso, isla markaana ay u baahan tahay khibrad, tiknoolajiyad iyo maalgashi shisheeye.
Dhankeeda, Maamulaha Guud ee Shirkadda CTG, Manica Zheng, ayaa muujisay sida ay shirkaddu u danaynayso inay barato fursadaha dalxiis ee Soomaaliya, isla markaana ay uga faa’iidaysato fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee dalka ka jira.
Dhanka kale, Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha, Danjire Dr. Hodan Cabdi, ayaa xarunta safaaradda ku qabatay munaasabad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu maamuusay wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jamaal Maxamed.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay ganacsato Soomaaliyeed oo wafdiga ka tirsan iyo kuwo dalka Shiinaha ku nool, iyadoo kulanka casho sharafta ah uu qeyb ka yahay xoojinta xiriirka, wada-shaqeynta iyo fursadaha ganacsi ee labada dal.













