Belgrade-(Wargeyska Dalka)–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Belgrade ee wadanka Serbia dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaasi Mudane Marko Djuric.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, dhismaha iyo waxbarashada, iyadoo sidoo kale laga wadahadlay in la hormariyo mashaariicda wadajirka ah ee caalamiga ah.
Labada wasiir ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in la dhiso xiriir adag oo ku saleysan dano wadaag ah iyo saaxiibtinimo soo jireen ah.
Wasiir Cabdisalam ayaa yiri: “Waxaan ka wadahadalnay xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha caalamiga ah, annaga oo dib u xasuusaneyna saaxiibtinimada dheer ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Serbia.”
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Serbia ayaa adkeeyay in dalkiisu uu ku faanayo xiriirka soo jireenka ah ee uu la leeyahay Soomaaliya.
Wuxuu yiri, “Serbia waxay ku faaneysaa xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, waxaana naga go’an in aan sii xoojino iskaashiga dhinacyo badan leh.”