Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada

Inta badan Dunida waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay soo kordhaayay Abaaro, Daadad, Fataahado iyo wixii la mid ah, kuwaasi oo halis galiyay hab nololeedka iyo jiritaanka Bini’aadamka, waxayna sababeen Barakac baahsan oo ku dhaca meelihii ay asiibeen, waxaana ka mid ah Soomaalida.

Soomaaliya waxay leedahay cimilo u dhaxeysa yara-oomane iyo oomane. Muuqaallada ugu muhiimsan cimilada jirta waa xilliyo qoyan iyo kuwa engegan iyo jiritaan la’aanta wax weyn oo isbedel heerkul xilliyeed ah. Roobku waa waxa ugu muhiisan jawiga (meteorological) oo saameeya nolosha gudaha Soomaaliya. Waa waxa qeexaya sifaalaha cimilada iyo kala duwanaansho weyn leh xag masaafad iyo waqti. Isbedelka muuqda xilli ka xilli iyo isbedellada jira isla xilliyada dhexdooda waa waxa dhaliya guulaha ama guldarrada waxqabadyada Beereed.

Sannadku wuxuu u qeybsamaa afar xilli sida soo socota:-

Jilaal: waa diirimaad, qoraxeed, iyo xilli engegan laga bilaabo Disembar ilaa bartamaha Maarso.
Gu’: Xilli roobaadka ugu muhiimsan oo ka bilowda bartamaha Maarso oo sii socda ilaa Juunyo.
Xagaa: waa qabow, engegan, yara daruureeya oo ka bilowda Luulyo siina socda ilaa bartamaha Sebteembar; qaar ka mid ah goobo cimilo ee jiidda xeebta koonfureed iyo gudaha Gobollaada Waqooy Galbeed waxay helaan qadar roobab macnaleh ah.
Deyr: xill roobaadka labaad, oo ka bilawda Sebteembar ilaa Nofeembar.

Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan caalamka, uuna halakeeyay dagaal, balse waa mid “wax laga qaban karo”, sida uu sheegay sarkaal sare ee cimilada.

Dalka ayaa waxaa halakeeyay dagaal in ka badan 30 sano oo ay isku dhacyo socdeen – waxaana ka mid ah kooxo Argagixiso ah, iyo dagaallo kuwo qabaa’il oo dhowr ah, balse mid ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa isbeddelka cimilada ku tilmaamay “mid dhibka sii labalaabta”, sababtoo ah waxay dab ku sii shideysaa xaaladda markaa jitra iyadoo sii dheereyneysa xaaladda dalalka nugul sida Soomaaliya.

Saameynta ugu daran waxay gaartay Beeraha. Soomaaliya ayaa weli ah dal dhaqaalihiisu aad ugu tiirsan yahay dhinaca Beeraha, iyadoo seddex meel ka labo bulshada ay ku tiirsan yihiin Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha.

Sanadkii 2022-kii dalka ayaa wuxuu wajahay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah – xaalad ay saynisyahannadu ku sheegeen in 100 jeer laga yaabo inay sababtay isbeddelka cimilada ee aadmigu sababay.

Abaartaas ayaa Beeralleyda iyo xoolo-dhaqatada ka dhigtay kuwo isku dagaala helidda biyaha iyo daaqsinka. Odey Soomaaliyeed ayaa yiri:- “mararka qaar uu ku qasbanaa inuu dhulkiisa ku difaaco qori”.

Abaartuna ma aha dhibaatada keliya ee halkan ka jirta. dhowr Sano Soomaaliya ayaa wajahday daadad ba’an sababo la xiriira Roobab ay saynisyahannadu ku sheegeen in si la mid ah kululaanshaha adduunka ay aadmigu sababeen.

Halista seddex jibaaran ee isbedelka cimilada, colaadaha, iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka: Waxay khatar badan oo isku dhafan ku tahay dadka ugu nugul oo ku sugan goobaha khatarta ah.
Isbedelka cimilladu ma aha khatar fog. Waxay durba si weyn u saameysay dadka nugul ee adduunka oo dhan. Gaar ahaan, cimillada isbedbedesha ayaa cawaaqib xun ku yeelanaysa dadka la nool xaaladaha colaadaha iyo kuwa aan helin daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, sida ay qortay Hey’adda Laanqeyrta Cas ee Adduunka.

Médecins Sans Frontières/Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Laheyn (MSF), Guddiga Caalamiga ee Laanqayrta Cas (ICRC), iyo Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas waxay si dhow ula shaqeynayaan bulshooyinka ku nool dalalka ay isgu darsantay is-bedelka cimillada, colaadaha hubaysan, iyo xaaladaha degdega ah ee caafimaadka ayaa ah xaqiiqo murugo leh.

25-ka dal ee ugu nugul isbedelka cimillada uguna yar tahay in ay la qabsadaan ayaa badi waxa ay sidoo kale la kulmaan colaadaha hubeysan. In badan oo ka mid ah goobahan, dadku ma helaan daryeelka caafimaadka aas aasiga ah. Marka dhibaatooyinka cimilladu ka dhacaan dalalka ay ka jirto cunno iyo biyo yari, iyo ilo dhaqaale oo kooban ayaa waxaa khatar galaya nolosha dadka, caafimaadka iyo hab-nololeedka.

“Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dambeeyay la soo darsay abaaro iyo daadad aan la saadaalin karin, taas oo uga sii dartay xaaladda bani’aadamnimo oo aad u liidatay oo ay sii cakirneyd soddon sano oo colaado hubeysan ah. Dadku waxay haystaan ​​waqti xaddidan oo ay kula qabsadaan sababta oo ah dhibaatooyinka waa kuwo soo noqnoqda oo aad u daran”, sida ay ICRS warbixinteeda ku sheegtay.

“Samafaleyaal ahaan, waxa dareen na galiyey xaqiiqda hadda jirta iyo odoroska mustaqbalka. Waxaan aragnaa abaaro, daadad, cayayaan farabadan iyo isbedellada roobabka kuwaas oo dhammaantood khatar gelin kara wax-soo-saarka cuntada iyo habka ay dadku u badbaadaan. Waxaan aragnaa dhacdooyin cimilo oo aad u daran oo ka xoog badan sida duufaanno burburiya kaabayaasha caafimaadka ee muhiimka ah. Waxaan aragnaa isbedellada cudurrada dilaaga ah sida malaariyada (duumada), caabuqa dengue iyo daacuunka. Colaadaha iyo rabshaduhu waxay kordhiyaan baahida loo qabo gargaar caafimaad oo degdeg ah iyagoo sidoo kale xaddidaya awoodda xarumaha caafimaadka”, ayay sii raacisay.

Xaaladahan oo dhan waxay ka dhacayaan adduun diiramaadkiisu gaaray 1.2 darajo oo ka sarreysa heerarkii xilligii warshadaha ka hor, iyada oo aan markhaati ka nahay sida ay kuwa ugu nugul adduunku ay halis ka soo gaarayso dhibaato si xad dhaaf ah u sababaan dalalka ugu qanisan adduunka. Diirimaadka dheeraadka ah waxa uu horseedi doonaa cawaaqib xun haddii aan si degdeg ah oo go’aan adag leh loo qaadin tillaabooyin lagu dhimi karo iyo in taageero ku filan loo abaabulo dadka iyo wadamada sida aadka ah u saamaysay si ay ula qabsadaan khataraha cimillada sii kordhaya.

“Maanta, baahiyaha ayaa durbaba ka sarreeya jawaabta. Tani waa qalalaase loo midoobo, waxayna hadda fursad u siinaysaa qalalaase kala sooca xumaan iyo samaan. Dunidu taageero la’aan kama tagi karto kuwa la kulma cawaaqib xumada ugu daran,” ayuu yiri Stephen Cornish, Agaasimaha Guud ee MSF Swiserland.

Taageerada maaliyadeed iyo mid farsamo waa in ay gaarto dadka aadka ugu baahan kuwaas oo aan u dhaceynin heerkii loo baahnaa. Ballanqaadkii Heshiiskii Paris ee ahaa in la kordhiyo taageerada dalalka ugu yara horumarsan ayaa ku guul daraystay in ay garowsadaan in tiro badan oo iyaga ka mid ah ay sidoo kale saameeyeen colaadaha oo ay tahay in mudnaanta la siiyo. Ilaa hadda, ballan-qaadyada lama fulin, si loo dhimo qiiqa kaarboonka iyo taageerada dalalka ay la kulmaan saameynta ugu weyn.

“Waxaan aragnaa saamaynta is biirsatay ee khataraha cimillada sii kordhaya iyo colaadaha hubaysan laga soo bilaabo Afgaanistaan ​​ilaa Soomaaliya, Maali ilaa Yaman. Shaqadayada meelahan waxay dadka ku caawisaa in ay si wax ku ool ah ula macaamilaan dhibaatada cimillada. Laakiin hawl-wadeennada ku hawlan arrimaha bani’adamnimada kama jawaabi karaan kaligood caqabadaha faraha badan. Haddii dalalka aadka u jilicsan loo helin taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo go’aan adag leh, dhibaatadu waa ka sii dari doontaa,” ayuu yiri Robert Mardini, agaasimaha guud ee ICRC.

Dhinaca kale meelo badan oo dalka ka mid ah waxaa jiro dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin Bacaadka, magaalooyinka xeebaha leh ee dalka si guud ayey u saameeyey Bacaadka.
Bacaadka meelaha uu sida weyn u saameeyey waxaa ka mid ah magaalooyinka Kismaayo, Baraawe, Ceeldheer iyo Hobyo waa sida ay ka dhawaajisay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya oo ka warbixineysay waxyaabaha keeno Isbadalka Cimilada.
Warbixin ay soo saartay UNDP ayaa lagu sheegay in Tuulada Qabooley, ee Soomaaliya oo ay abaaruhu aad saameeyeen waxaa ka dhacay dagaal halis ah oo ka sabay biyo-yari, arrintaas oo dadka ku dhaqan deegaanada ku hareeray Qaboolay ka dhigay dad cadow isku ah.
Laakiin wadahadal iyo dib-ushesiin ay ka shaqeeyeen odayaasha ayaa suuragelisay in ay nabad ku wada noolaadaan.
Arrintaan ayaa cadeyn u ah in saameynta isbedelka Cimilada iyo Colaad, si qoto dheer isugu xiran yihiin, iyo sida si wadajir ah loogu wajahayo.

Ugu dambeyntii waxaan loogu baaqayaa hoggaamiyeyaasha adduunka in ay ka soo baxaan ballanqaadkooda heshiiskii Baariis iyo Ajendaha 2030-ka iyo in la hubiyo in dadka nugul iyo dadka ay colaaduhu saameeyeen si ku filan loo taageero, si ay ula qabsadaan cimillada isbed-beddeleysa. Waa in si wadajir ah xal ugu helno oo la  hubiyo helitaanka dhaqaale loogu talagalay cimilada oo ku filan oo looga hortago bii’ada. ‘In dadka laga tago ma ahan ikhtiyaar’.

By. C/lahi Ruush