Soomaaliya iyo QM oo mar kale ka wada hadlay xal u helidda barakacayaasha

Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamud Macallin ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha arrimaha barakacayaasha iyo xalalka waara ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Robert Piper.

Labada mas’uul ayaa si qota dheer uga wada hadlay xaaladaha barakacayaasha iyo sida xal waara loogu heli karo.

Robert Piper ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula socoto xaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin mar walba shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamud Macallin ayaa Kaaliyaha gaarka ee ka socdo Xoghayaha Qaramada Midoobay kaga mahadceliyay garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed.

Shalay ayay ahayd markii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga XFS, Mudane, Cabdirashid Jire Qalinle uu kulan looga hadlaya arrimaha barakacayaasha Soomaaliya la yeeshay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Mudane, Robert Piper.