Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulan doceed oo miradhal ah la yeeshay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Qatar, Mudane Dr. Abdullah bin Abdulaziz bin Turki Al Subaie, intii uu socday shirka COP31 ee magaalada Antalya, Türkiye.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga labada dal ee ilaalinta deegaanka iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada, dardargelinta dhammaystirka Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee iskaashiga deegaanka, ilaalinta kala-duwanaanshaha noolaha, dib-u-soo-celinta dhulka xaalufay iyo horumarinta tamarta dib loo cusboonaysiin karo.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay is-weydaarsiga khibradaha, tababarrada iyo kobcinta awoodda khubarada Soomaaliyeed, iyo sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta iskaashi wax-ku-ool ah oo ku salaysan mudnaanta deegaanka ee labada dal.

