Soomaaliya iyo Qaramada midoobay oo ka wada hadlay xaaladaha barakacayaasha

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS, Mudane Xildhibaan Cabdirashid Jire Qalinle oo ay wehliso Agaasimaha Xalka-Waara ahna Agaasimaha Kormeerka iyo Qiimeynta, Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa maanta kulan kula qaateen La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Mudane, Robert Piper iyo Madaxada Hay’adaha Caalamiga ee dalka ka shaqeeya.

Qodobada laga wada hadlay waxaa ka mid ah habab hore u jiray iyo dadaalada la sameeyay si wax looga qabto xaaladaha barakacayaasha Soomaaliyeed.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in la dardargaliyo hirgelinta Istaraatiijiyada Xalka Waara si xal waara loogu helo barakacayaasha.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha  sidii wax loogu qabanlahaa barakacayaasha laguna gaari lahaa xal-waara iyadoo lala kaashanaayo dowlada dhexe iyo dowlad Goboleed yada.