Soomaaliya iyo Qadar oo ku heshiiyay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada dalka

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS Mudane Xildhibaan yuusuf Maxamed Aadan oo ku sugan magaalada Doha ee ayaa kullumo miro dhal ah waxay la qaateen madaxda dawladda Qadar gaar ahaan madaxda Wasaaradda shaqada ee Xukuumadda dalkaasi.

Guddi laba dhinac ah oo ka socda Soomaaliya iyo Qadar ayaasi gaar ah uga hadlay nidaamka shaqaalaysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqada oo ay labada dal saxiixeen.

Hishiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar waa mashruuc lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10 kun oo dhallinyaro ah kuwaasi oo iskugu jira dhallinyarada xirfadaha leh iyo kuwa aan xirfadaha lahayn.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxaa ka go’an raadinta fursadaha shaqo abuurka ee dalka dibaddiisa,si ay dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan nolol iyo mustaqbal waara.