Canada- Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kula kulantay dhiggeeda dalka Qadar , Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta dhinacyada gaadiidka dhulka iyo cirka, duulista hawada iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka XFS, Fardowsa Cismaan ayaa sheegtay inay ku tala jirto sidii xiriirkaa qotoda dheer loogu beddeli lahaa wax qabad, iyadoo la horumarinayo agabka iyo xirfadaha looga baahan yahay Gaadiidka iyo duulista hawada.