Soomaaliya iyo Norwey oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Espen Barth Eide.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga wadahadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.